Xog:R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Oo Isku Maaweelinaya Markii Xilka Laga Qaado Inuu Noqanayo Madaxweynaha Jubbaland..

0

Muqdisho, AGGM: Wararka caawa naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed lagu maaweelinayo hadduu baneeyo xafiiska R/wasaarenimo ee Dowladda federaalka uu noqonayo Madaxweynaha Maamulka Rasmiga ah ee Jubbaland.

Warkan ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in R/wasaaraha uu isku haleenayo heshiisyo beenaad ah oo uu la galay Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe kuwaa oo qeexaya in haddii R/wasaare Cabdiwali Sheekh fududeeyo danaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee deegaanada Jubbooyinka uu isagu noqon doono Madaxweynaha Rasmiga ah ee uu yeelan doono Maamulka Jubbaland.

Siyaasi ku sugan magaalada Muqdisho si aad ahna ugu dhuun daloola xafiiska R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo ka gaabsaday magaciisa xaalado ammaan awgood ayaa Warbaahinta Allgalgaduud Media u xaqiijiyay in R/wasaare Cadbiwali Riyo maalmeed uu isku maaweelinayo kadib markuu isu dhiibay si aad ahna u aaminay Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

“Walaale R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxa uu ku haminayaa iskuna maaweelinayaa inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland hadduu baneeyo xafiiska R/wasaarenimo, taas ayaana sabab u ah inuu marwalba kasoo horjeesto danaha Beeshiisa ee gobolada Jubbooyinka, balse R/wasaaraha waxuu hilmaamay in Siyaasadu saaxiib joogto ah lahayn ee ay leedahay dano joogto ah oo hadduu baneeyo xafiiska uu hadda fadhiyo, balanta uu la galay Horjooge Axmed Madoobe iyo beeshiisa looga baxayo cidlana uu kusoo dhacayo”.

Siyaasigan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in R/wasaaraha aysan u biloowneen Siyaasada balse uu iska xoogsanayo, beri haddii mooshin laga keenana aysan jiri qorsho u dagsan oo uu isku badbaadin karo, beeshi uu ka dhashayna uu ka galay godob sokeeye oo aan abid ka harayn.

Isku soo wada duuboo maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii laba jibaarmaya Mas’uuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed ee mucaaradsan Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed Maamul iyadoo lagu heysto in Xukuumadiisa ay haysato Hogaan xumo iyo abaabulka ay isaga horkeenayso Dadka Soomalaiyeed ee ku dhaqan Gobolada dalka Soomaaliya..
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com