Warbixin:Dhageyso+Sawirro:Waa Sidee Nolosha Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo.

0

Garbahaarey, AGGM:Magaalada Garbahaarey waa xarunta gobolka Gedo, waxa ay kamid tahay magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowlada iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Magaalada waxaa ka muuqda dhismayaashii xarumihii hore ee Dowladii Dhexe ee Soomaaliya, sida madaxtooyadii gobolka Gedo Xabsigii ay dhistay dowladii kacaanka iyo goobo kale oo dadka reer Garbahaarey ay ku faanaan.

Dhismayaasha qaar ee kuyaala Garbahaarey waxaa ka muuqanaya halku dhigyo muujinaya jiritaankii Dowladdii Kacaanka ahayd ee 21 October sida erayo ay kamid yihiin xisbiga hanta wadaaga kacaanka soomaaliyeed hanoollaado iyo qaar kale oo muujinayo jiritaankii dowladdii kacaanka.

Dadka reer Garbahaarey ayaa ku faana in ay bad baadiyeen xarumihii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya dhismaha qaarna marka laga tago in ay dactareysanyihiin waa ay banaanyihiin oo cidi madagana. Leyrarkii ay sameysay dowladii dhexe ayaana kamid ah waxyaabaha badbaaday ee wali shaqeeya.

Dadka da’ada ah ee magaalada kunool waxa ay isugu jiraan shaqaalihii rayidka ahaa ee dowladda iyo qaar kamid ah ciidamadii dowladdii hore, waxaana la I tusay shaqsiyaad la ii sheegay in ay yihiin ciidamadii ilaalada gaarka ah u ahaa Allaha U Naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya General Maxamed Siyaad Bare oo ku duugan magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dadka madaxda ah ee magaalada soo gaara waxa ay inta badan booqdaan Qabriga Allaha u Naxariistee Madaxweynihii hore waxaana dadka magaalada kunool qaarkood ay adeegsadaan marka ay ku salaamayaan JAALLE oo ah kalmad lagu xasuusto dowladdii kacaanka.

Marka laga hadlayo nolosha magaalada waxaa dadka reer garbahaarey noloshooda ay ku tiirsantahay ganacsiga gaar ahaana badeecada magaalada soo gasha iyo mida miiga inkastoo kaalintii miiga aaney iminka jirin oo abaaruhu ay saameeyeen.

Abaaraha oo saameyntooda leh waxaa u sii dheer iyada oo wadooyinka qaar ee magaalada soo gala ay jaranyihiin sida wadada degmada luuq oo la ii sheegay in al-shabaab ay jareen.

Ganacsiga qudaarta ayaa kamid ah ilaha ay ku tiirsanyihiin nolosha in badan oo kamid ah dadka reer garbahaarey hase ahatee waxaa jira duruufo iyo culeysyo ay lakulmaan ganacsatada qudaarta marka loo eego qaabka ay magaalada kusoo galiyaan.

Nolosha magaalada ayaa hadii sidan ay kusii socoto waxaa dad badan oo garbahaarey kunool ay qabaan in halis badan ay imaan karto.

20140928_073937 20140928_073852 20140928_073848 20140928_073556 20140928_073527
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com