Top News: Jeneraal Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” Oo Tababar Usoo Xiray Saraakiil.

0

Muqdisho, AGGM: Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” ayaa maanta tababar u soo xiray ku dhawaad 30 sargaal oo loogu talagalay in wixii ay barteen kaga faa’ideeyaan ciidanka Dowlada.

Waxaana tababarkaan lagu qabtay Xerada Jaziirada ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu soo xiray tababarkaan Ciidan ayaa waxaa goob joog ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, qeybaha kala duwan ee bulshada,kuwasi oo dhamaan Saraakiisha tababarka loo xirayay ku dhiira geliyay inay Bulshadooda sida ugu daacadsan ugu adeegaan.

Sargaal u hadlay taliska ciidanka Midowga Yurub ee tababarka siinayay 29-ka sargaal ayaa ku booriyay inay si hufan u gutaan howlaha loo tababaray, isla markaana ay horyaalaan howlo adag, loogana fadhiyo inay ka soo dhalaalaan howlaha loo igmaday ee ah tababar siinta ciidanka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” oo soo xiray tababarka ayaa ku dhiirigeliyay saraakiisha ciidan ee tababarka loo soo xiray ee laga kala keenay qaar ka mid ah gobollada dalka loo diyaariyay in ay tababaro siiyaan ciidanka.

“Waxaa idinkugu bishaareynayaa in aad noqon doontaan macaliminta beri, tababar ka bixin doono Jaziira one, anaguna waxaan idinkugu qiimeynaynaa hadba sida aad uga faa’iideeyn tababarka aad soo qaadateen iyo sida aad tababarka u bixineysaan, si gobolada dalka aad ugu tababartaan ciidanka” ayuu yiri Taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Saraakiisha ayaa loo carbiyay in Jaziira One ka bixiyaan Casharadii ay ka barteen Tababarka,iyagoona siinaya Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com