Dhageyso: Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Oo Hay’addaha Ka Codsaday Inay Gurmad Deg Deg Ah Lasoo Gaaro Dadka Ku Tabaaleysan Gobolkaas…

0

Marka, AGGM:Maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in gurmad lala gaaro dadka ku dhibaateysan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka gobolka Cumar Cabdi Carabey ayaa sheegay isaga oo la hadlayay Warbaahinta gudaha dalka in xaalad adag ay ka jirto deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose kuwaasi oo uu tilmaamay in dadku ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan.

Waxa uu xusay guddoomiye ku xigeenku in maamulka gobolka uu guddi u saaray qiimeynta abaaraha ka jira gobolka Shabeellaha hoose oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka oo uu tilmaamay in war bixinta ay soo diyaariyeen guddigaasi loo gudbiyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana weli wax jawaab ah aan ka bixin sida uu sheegay arimahaasi.

Isku soo wada duuboo Cumar Cabdi Carabey ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga in ay ceelal u qodaan bulshada ku tabaaleysan gobolka si looga maarmo waraha ay biyaha ka cabaan dadka.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com