TOP NEWS:- Hogaamiyaha Al-shabaab oo seeftiisa banaanka Keenay, saraakiil kala carartay

0

Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab ayaa maalmo ka dib banaanka keenay seeftiisa, waxaana kala carar ku dhacay saraakiil badan oo Al-shabaabka ka mid ah.

Xog ay heshay Shabakada Allgalgaduud ayaa ku waramaysa in Hogaamiyahaan uu sheegay in aysan jirin Al-shabaab kala qeybsan, islamarkaana saraakiisha Godane kasoo horjeeday ay si nabad galyo ah isku soo dhiibaan.

Waxa uu sheegay in saraakiishaan hadda aanay isaga wax cadowad ah kala dhaxeyn, laakiinse uu doonaayo in mid la ahaado, meeshana laga saaro wixii hore.

Hase ahaatee waxaa taasi diiday qaar ka mid ah saraakiishaan sida Mukhtaar Rooboow, balse waxa uu hogaamiyaha kooxda uu sheegay in hadii aanay is soo dhiibin xoog lagu maquunin doono.

Xogtaan aan helnay ayaa intaasi ku daraysa in hadalkaasi uu keenay kala carar cusub oo saraakiisha Kooxda ah, waxaana qaarkood ay galeen meelo keymo ah.