Fadeexad+Dhageyso:Yaa Qaldan Xukuumada Federaalka Iyo Shaqaalaha Muruqmaalatada Ah Ee Dekadda Magaalada Muqdisho?

0

Muqdisho, AGGM: Cabashada Muruqmaalka Dekadda Muqdisho ayaa waxay weli yihiin kuwo muujinaya in Shaqadoodii ay waayeen kadib markii ay Maamulka Dekada la wareegtay Shirkad Turki ah.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Soomaliya Yuusuf Macalin Baadiyoow ayaa sheegay inaysan jirin shaqaalo loo diiday shaqadii ay Dekada ka hayeen,isagoo ku Eedeeyey inay jiraan dad aan muruqmaalka aheyn oo dano gaar ah ka leh arintaasi.

Hadaba Muruqmaalka Dekadaasi ayaa si kulul uga jawaabay arinta Wasiirka Dekadaha kasoo baxday iyagoo beeniyey arintaasi uu sheegay inaysan jirin shaqaale laga fariisiyey howshii dekada waxaana muruqmaalka ay sheegayaan in shaqadii ay waayeen Turkidana ay soo ceyrisay.

Hore ayuu uballan qaaday Wasiir Yuusuf Macalin Baadiyoow inaan wax muruqmaal ah la ceyrin doonin inkastoo weli cabashada ay jirto kasoo baxeyso muruqmaalka Dekada ka xamaalan jiray.

Wiil dhalinyaro ah oo isagoo hortaagan Dekada Muqdisho kana mid ah muruqmaalkii shaqada waayey ayaa sheegaya in Gudaha Dekada ay hadda cabitaano ku dhex wareejinayaan dad turki ah oo shaqadoodii lagu badalay.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com