Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Ee Magaalada Baraawe Oo Dhagax Ku Dilay Haweeney…

0

Baraawe, AGGM: Fagaaro ku yaalla Degmada Baraawe waxa shalay gelinkii dambe laga fuliyey Xukun lagu sheegay inuu ahaa Rajmin kaasi oo lagu riday Haweeney isla guursatay mar keliya Afar Nin.

Maxkamada Al Shabaab ayaa waxa sheegtay in Haweeneydaasi markii la wareystay ay qiratay in Afar nin ay guursatay oo mid ka mid ah ay u caruur dhashay iyadoo mid ka mid ah ay kala tageen laakiin la ogaaday in seddex nin ay wada qabeen.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Safiyo Axmed Jimcaale oo 33 jir ah ayaa waxa qaadiga Maxkamada uu sheegay inay Xukunka ku qanacday isla goobtana dhagax lagu dilay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com