Top News: ICRC Oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay In Loo Gurmado Dadka Dhibaateysan…

0

Muqdisho, AGGM: Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, ICRC, ayaa sheegay in malaayiin Qof oo ku nool Qaarada Africa ay wajahayaan Qatar Rabshado,Gaajo iyo waliba Barakac,iyagoona Beesha Caalamka ugu baaqay in la gargaaro Dadkaasi dhibaateysan.

Agaasimaha Howlgalka “ICRC”, Dominik Stillhart oo booqday dalalka rabshadaha ay ka taagan yihiin sida Soomaaliya,Jamhuuriyada Africada dhexe iyo Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in isku dhacyada ka taagan wadamadaan ay sii adkeeyeen xaalada bini-adanimo iyo baahida loo qabo gurmad Caalami ah.

Wuxuu Mr Dominik Stillhart shaaciyay in Xaalada Bini-adanimo ee dalalkaan kor uu ku soo xusay ay aad u Liidato,isagoona si deg deg ah Beesha caalamka ugu baaqay inay gurmad caalam ah u fidiyaan dadkaan daruufaha kala duwan ay bideen inay dhibaato la soo dersito,sida uu hadalka u dhigay agaasimaha Gudiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas Dominik Stillhart.
Agaasimaha oo u waramayay VOA-da ayaa wuxuu tilmaamay in Xaalada Caasimada Muqdisho ay tahay mid sii hormareyso,laakiin wuxuu walaac ka muujiyay deegaanada gacanta ugu jira Ururka Al-shabaab ee Dowlada Soomaaliya ka horjeeda,wuxuuna sheegay in dad gaaraya 2.9 million ay u baahan yihiin cuno halka Hal million oo gudaha Soomaaliya ku barakacay Qatarta ugu badan ay heysato.

Meelo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa hada waxaa laga soo sheegayaa inay ka jiraan Xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay in dad iyo duunyo ay u geeriyoodaan.

Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii wax looga qaban lahaa abaarta dadka iyo duunyada ragaadisay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com