Dhageyso: Dr.Cabdisaciid ”Sheekh Maxamed Umal iyo Sheekh Max’ed Idris Iyaga Ayaa Diinta Ka Fogaaday”.

0

Muqdisho, AGGM: Dr. Cabdi-siciidCabdi Ismaaciil oo ka mid ah aqoonyahada iyo qorayaasha Soomaaliyeed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxa  uu dhowaan ku soo bandhigay Buug cusub oo uu qoray oo uu qoraaga ugu magac daray XADKA RIDADA MAXAA KA RUN AH!.

Kadib Markii Buugaasi la soo bandhigay ayaa waxaa naqdiyay oo ka hor yimid qaar ka mid ah Culaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamed Idris.

Labada Wadaad ayaa Kitaabkaasi oo uu qoray Proff Cabdisaciid waxa ay ku tilmaameen in uu yahy mid meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada Diinta Islaamka.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Cabdu Umul ayaa si cad ah u sheegay in Buugaasi uu yahay mid lagu doonayo in Diinta Islaamka lagu wax yeeleeyo.

Hadaba Anaga oo Arintaasi ka duuleyno ayay inoo suura gashay in aynu wareysi gaar ah la yeelano qoraaga Buuga Xadka Ridada Maxaa ka Run ah Dr-Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Qoraaga buuga ayaynu hor dhignay Su’aalo dhowr ah oo la xiriira Kitaabka uu isaga qoray iyo eedeymaha ka yimid qaar ka tirsan Culumada Soomaaliyeed .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com