Dhageyso: Dowladda Itoobiya “Al Shabaab Weli Awood Muuqata Ayay Leeyihiin”.

0

New York, AGGM:Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia Dr. Tedros Adhanom oo haatan ku sgan magaalada New York ee dalka Mareynkanka ayaa sheegay inay soo wanaagsanaaneyso Xaaalada Soomaaliya laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in wali Al-shabaab si buuxda looga awood roonaanin.

Wuxuu sheegay Mr. Tedros Adhanom inay jiraan ifafaalo muujinaya in xasilooni laga dareemayo Soomaaliya oo in ka badan 20-sano ku soo jirtay dagaalo sokeeye,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray inay jiraan wali Qatar dhanka amaanka ah oo ka imaanaya ururka AL-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

” Xaalada amaan ee dalka wuu sii korayaa,laakiin ma dhihi karo si buuxda ayaa looga adkaaday Al-shabaab,” ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada dalka Ethiopia oo ka qeyb galaya shirka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.
Ururka Al-shabaab ayaa Qatar ku amaan dhamaan wadamada ku yaalo gobolka,sida horay ay u sheegeen hogaamiyaasha Qaarada Africa.

Dowlada Ethiopia oo ka mid ah Dowladaha dagaalka kula jira Al-shabaab ayaa hada walaac ka muujineysa Qatarta dhanka amaanka ee kaga imaan karta Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa horay wacad ugu maray inay weerari doonaan dhamaan dalalka ka qeyb qaadanaya dagaalkooda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com