Dhageyso: Maamulka Galmudug “Haddii garoonka Galmudug la xiray, kan Puntland-na ma sii furnaan doono”.

0

Gaalkacyo, AGGM: Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa maanta oo Arbaca ah shir jaraa’id ku qabtay xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil, oo k amid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug, wuxuuna ka hadlay hadal uu sheegay madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qeybsiid kaasoo ahaa in muddo seddax cisho xayiraada looga qaado garoon diyaaradeed oo dhawaan Galmudug ay ka sameesay koonfurta Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa ku goodiyay haddii aaney muddada uu qabtay madaxweynaha Galmudug in looga qaado xayiraadda in magaalada Gaalkacyo gabi ahaan ay noqon doonto goob ka caaggan diyaaradaha sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaas ku daray in la joojin doono wax yaabaha Boosaaso looga qaado gobalada dhexe, sida cuntada iyo alaabaha kale, oo cuna qabateyn ay saari doonaan.

Haddii garoonka Galmudug la xiray, kan Puntland-na ma sii furnaan doono, waadna arki doontaanayuu yiri..

Xildhibaanka ayaa sidoo kale, in hadalkiisa uusan ahayn dagaal cusub in uu abuuro balse uu la yaaban yahay gar-darrada maamulka Puntland oo diyaaradaha ka mamnuucay in ay ku dagaan garoonka laga dhisay dhinaca Galmudug.

Khilaafka labada maamul ayaa cirka galay, kaddib markii Puntland ay ka hor timid maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com