Top News: Magaalada Baydhabo Oo Saaka Dagan Kadib Iska Hor Imaad Xalay Maqribkii Ka Dhacay..

0

Baydhabo, AGGM:Deganaansho ayaa saaka ka jirto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaasi oo maqrabnimadii xalay iska hor imaadyo ay ka dhaceen.

Iska hor imaadkan waxaa ku dhaawacmay shan qof kuwaas oo u badan haween ka qayb galayay xaflad aroos sida ay sheegeen dad Baydhabo ku sugan.

Iska hor imaadka ayaa dhacay markii kala shaki uu soo kala dhax galay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hawlanaa sugida ammaanka iyo kooxo ku sugnaa xaflada arooska ee kor u ridayay xabadaha taas oo ay kaga qayb qaadanayeen arooska.

Saraakiisha dowladda ee magalada Baydhabo wali ma aysan ka hadlin weerarkan ka dhacay xalay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Taliska ciidanka magaalada Baydhabo ayaa hore u mamnuucay in rasaas laga dhex tuuro xafladaha aroosyada sababo ay ku sheegeen ka hor tagista kooxo ku dhuumaalaysta aroosyada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com