Top News:Madaxweynaha oo ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen wasiirrada.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay shir aan caadi ahayn oo golaha wasiirradu ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Shirka oo looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka diinta iyo Aw-qaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in shirka lagu falan qeeyey sidii la isaga kaashan lahaa nabad ku soo dabbaalidda arrimaha dalka, gaar ahaanna goobaha dhowaan laga saaray malleeshiyada Al-Shabaab.

Ridwaan ayaa tilmaamay in ay dowladdu guulo ka gaartey barnaamijkeeda xakamaynta hubka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay horseed u yihiin ka mira dhalinta higsiga cusub ee la doonayo in dalku gaaro sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbo ka jeediyey kulanka ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo wada shaqayn joogto ah oo dhex marta hoggaanka sare ee dalka iyo hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa wasiirrada ku boorriyey in ay la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo xil gudasho, six al waara loogu helo mushkiladaha muddada dheer ka jirey dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com