Top News: Scotland oo diidday inay ka go’do Britain.

0

edinburgh, Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain kaddib markii ay codbixiyayaashu u codeeyeen in aanay go’in.

Iyadoo ilaa haatan la tiriyay 31 ka mid ah 32-da degaan ee Scotland ayaa dadka diiddan inay ka go’aan Britain waxay heleen boqolkiiba 55.

Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa ilaa haatan helay boqolkiiba 45.

Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go’do ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay.

Weli lama soo saarin natiijada kama dambayesta ee aftida Scotland.

scot1

Source:BBC

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com