Top News: Dadka Abaarta Saameeysay Ee Miyiga Magaalada Balad Xaawo Oo Deeq Raashin Loo Qeybiyay.

0

Balad Xaawo, AGGM: Guddiga abaaraha Balad Xaawo ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta masago iyo saliid gaarsiiyay dhibbaneyaasha abaarta ee ku nool miyiga gobolka Gedo.

Guddiga ayaa 3,400 oo loor oo masago ah iyo 1,600 oo kartoon oo saliid ah wuxuu ka qeybiyay 30 tuulo oo hoos-taga degmada Beledxaawo.

Qoys kasta oo ka faa’iideytay deeqda ayaa la siiyay 3 litir oo saliid ah iyo hal loor oo masago ah.

Shirkadaha Dahabshiil iyo Hormuud ayaa bixiyay lacagta ugu badan ee lagu iibiyay raashinka, sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha guddiga, Cabdiraxmaan Maaddey.

Cabdiraxmaan ayaa u mahadceliyay shirkadaha iyo shakhsiyaadka ku tabarrucay lacagta deeqda raashinka ah loogu iibiyay dadka ay abaartu saameysay.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay abaarta sida ba’an u saameysay dadka iyo duunyada.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com