War Cusub:-Shariif Xasan Sheekh Aadan “Waxaa Ii Muuqaneysa In Dowladda Federaalka Ay U Jilicsan Tahay Maamulka Madoobe Nuunow”.

0

Baydhabo, AGGM: Shariif Xassan Sheekh Axmed oo isagu taageersan Maamulka Seddexda Gobol ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha Dowlada Federaalka Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uga digay inay isku qasbaan Maamulo aan is rabin.

Shariif Xassan oo kullan Magaalada Baydhaba kula qaatay Labadaasi Mas’uul ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku nool Deegaanada ay ka arimiyaan Labada Maamul ay iyaga kala dooran doonaan kan caafimaadkooda uu ugu jiro, balse ay DF kusii fogaan Siyaasada ay ku dooneyso inay kusoo jiidato Maamulka Madoobe Nuunow.

‘’Waxaa ii muuqaneysa in DF ay u jilicsan tahay Maamulka Madoobe Nuunow, wixii xal ah iyadaa laga rabaa balse waxaa loo baahan yahay inay ka fogaato inay dhinac la safato ama ay kusii fogaato Siyaasado aan raali laga aheyn’’.

Shariif Xassan ayaa waxa uu kamid yahay Siyaasiyiinta ka danbeeyay dhismaha Maamulka Seddexda Gobol, waxaana la sheegayaa in Arrintaasi ay tahay mid ay la wado DF, balse uu aad uga cabsi qabo inay la rogmato Siyaasada xiligaani taagan oo marba meel u badaneysa.

Dhanka kale, Garabka Madoobe Nuunow ayaa iyagana aaminsan in DF ay wadato Shariif Xassan taasina ay ku sheegen inay tahay tan keentay in si gaar ah ay DF u daneyso Maamulka Seddexda Gobol.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com