Shabaab Oo Ku Hanjabay Inay Dib U Qabsanayaan Degmada Ceelbuur

0

Guddoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay Idaacada ku hadasha Afka Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in dagaalkaan uu yahay mid lagu xureynaayo Degmada Ceelbuur oo loo baahan yahay inay ka wada qeyb qaataan dhamaan dadka Gobolka Galgaduud wada daga.

Sheekh Xasan Yacquub, ayaa ku goodiyay inay wadayaan dagaalka ka dhan ah Ciidamada Huwanta ilaa ay gacanta ku dhigaan Degmada Ceelbuur oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku sugan yihiin.
Waxa kale uu ka hadlay dagaalo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula galeen deegaano hoostaga Degmada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud, isaga oo sheegay in ciidamada Itoobiya dhibaatooyin badan ay ku gaarsiiyeen dagaalkaasi.
Sheekh Xasan Yacquub, ayaa ku waramaayo in dagaalkaan uu yahay mid shacabka Ceelbuur looga dulqaadaayo dhibaatada xoogan ee ay ku hayaan ciidamada Itoobiyaanka, dhawaana ciidamada Shabaab ay dhexda u xiran doonaan qaadista dagaalkaasi.
Dagaalkaan cusub ee Shabaab ay ku dhawaaqeen inay ku qaadayaan Degmada Ceelbuur, ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud laga qabsaday Shabaab oo ay la wareegeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.