XOG: Madaxweyne Xasan Iyo R/wasaare Cabdiweli Oo Khilaafki Ugu Xumaa Ka Dhex Taagan Yahay. Maxay Tahay Sababta?

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in khilaafki ugu xumaa uu ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in R/wasaare Cabdiwali Sheekh uu doonayo safar inuu ku tago magaalada Baydhabo si uu  u furo shirka dib u heshiisiinta labada Maamul ee Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo halkaas oo ay ka taagan yihiin khilaaf ba’an oo u dhexeeyay Mas’uuliyiinta labada maamul ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay mid kamid ah aqoonsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ugu baaqay in uu R/wasaare Cabdiweli ka baaqdo safarkaas, balse R/wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa ka biyo diiday, waxaana la filayaa maanta uu ka dago magaalada Baydhabo hadaan is afgarad dhicin uu uga baaqanayo safarkaas.

Waxaa jira warar si hoose ay u heshay warbaahinta Allgalgaduud Media kuwaa oo sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isaguna sheegay in uu ka dagayo magaalada Kismaayo si uu u furo shirka Dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo la filayay in uu furmo 16-ka bishan Waloow lagu wargaliyay dhinacyada ka qaybgali lahaa shirka in uu dib ugu dhacay 01-da bisha soo socota ee Oktoobar.

Madaxweynaha ayaa isagana ku goodinaya inuu 16-ka bisha ka dagayo magaalada Kismaayo si uu u furo shirkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka taas oo iyana ah qiyaamo hor leh oo aan lagu wargalin dhinacyada ay is hayeen horjooge Axmed Madoobe

Ilo wareedkeenana ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha uu iminka yahay mid fool xun islamarkaana ay ka muuqato labadoodaba Mas’uuliyad Xumo iyo ficiltan aad u fool xun taa oo aan ku habooneen inay ku dhaqmaan Mas’uuliyiin laga sugayo inay dal dhan walba ka bur buray Hogaamiyaan.

Isku soo wada duuboo waxaa ka muuqata habdhaqanka Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo R/wasaare Cabdiwali Sheekh in ay yihiin niman god mugdi ah kusii ridaya Rajadi shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in ay helaan Dowlad Caadil ah iyo QARAN Awood leh.

Waxii Kasoo Kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com