XOG:- Axmed Madoobe oo ku fadeexoobay beesha uu kasoo jeedo ee Ogaadeen

0

Hogaamiyaha maleeshiyada Raaskambooni  Sheekh Axmed Madoobe ayaa aad ugu fadeexoobay mid ka mid ah Lafaha beesha uu kasoo jeedo ee Ogaadeen.

 

Beesha Cawlyahan ayaa la sheegay in xubno matalaayay oo siyaasiin iyo Odayaal uu la yeeshay kulan xasaasi ah, kaa oo arimo badan looga hadlaayay.

 

Hase ahaatee waxa dhacay khilaaf xoogan ka dib markii Madoobe uu diiday war ay xubnahaan usoo jeediyeen kaa oo ku aadan aayaha magaalada Bu’aale.

 

Waxay xubnahaan doonayeen in deg deg maamulkaan u tago Bu’aale maadaama xarun ay u tahay, hase ahaatee waxa uu sheegay in isaga aan laga daba hadal wixii qorshe ahna loo daayo.

 

Dhanka kale waxa uu sheegay in horay dagaalka iyo cabsida jirtay halkaasi looga dhigay xarun, hase ahaatee shirweynaha soo socda lagu go’aamin doono in caasimadda Jubba ay Kismaayo tahay.

 

Cawliyahanka ayuu sidoo kale u sheegay in Bu’aale kaligood aanay deganeen sidoo kalena ay beelo kale degan yihiin Markalena aanay arimnahaasi kala hadlay.

 

Odayaashii iyo siyaasiintii gogosha ku jiray waxaa la sheegay in meesha ay uga kaceen, islamarkaana xilliyada soo aadan ay soo saari doonaan go’aan ka dhan ah Axmed Madoobe.

 
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com