War Cusub: Shirki Dib U Heshiisiinta Jubbooyinka Oo Furitaankiisa Dib Ugu Dhacay 01-da Bisha Oktoobar.

0

Muqdisho, AGGM:Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee 16- bishan ka furmi lahaa magaalada Kismaayo uu dib ugu dhacay 01- bisha soo socota ee Oktoobar.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dib u dhacan ku yimid shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyyinka aan la aqoon sababta dhabta ah ee keentay.

Ilo wareedyadeenan ayaa waxa ay sheegayaan in wax dhib ah uu jirin balse uun ay tahay diyaar garoow balaaran oo lagu doonayo sidii dhamaan dhinacyada isku haya Jubbooyinka ay uga wada qeyb gali lahaayeen Shirkaas oo lagu waday inuu furmo 16-ka bishan September…

Waxii Kasoo Kordha Warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com