Uganda Oo Ka Hortagtay Weerar Al-Shabaab Ay Qorsheynayeen Inay Ka Geystaan Dalkaasi

0

Ciidamada dowlada Uganda ayaa ka hortagay weerar Alshabaab ay qorsheynayeen inay ka geystaan dalkaasi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee dalka Uganda.

Saraakiisha booliska dalka Uganda ayaa dhankooda sheegay inay xereen dad lagu tuhmayo Alshabaab, waxaana dowlada Mareykanka ay digniin kasoo saartay weeraro macquul ah oo ka dhici kara dalka Uganda.
Masuuliyiinta dowlada Uganda ayaa sheegay inay ka hortageen weerar Alshabaab ay qorsheynayeen, iyadoo ay jiraan dad laga shakisan yahay inay ku sugan yihiin dalkaasi, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxa saxaafada dowlada Mareykanka ee Uganda.
Safaarada ayaa ka dalbatay muwaadiniintooda ku sugan dalka Uganda inay guryahooda ku sugnaadaan inta baaritaanada ay socdaan waxaana laga baqayaa weeraro Alshabaab ay ka geystaan dalka Uganda.
Fred Enanga afhayeenka ciidamada booliska ayaa sheegay inay dad xereen laakiin faahfaahin buuxda ma uusan kasii bixin dadkaasi iyo waxay ahaayeen.
Wuxuu afhayeenka u sheegay wakaalada AFP in howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen laamaha amaanka Uganda ay kaga hortageen weerar la qorsheynayay in Uganda laga geysto.
Safaarada Mareykanka ayaa sheegay inay garaneynin goobo Alshabaab ay qorsheynayaan inay weeraraan laakiin waxaa heegan la geliyay ciidamada amaanka garoonka diyaradaha ee Uganda iyo goobaha waaweyn ee ay dadka ku kulmaan.
Mareykanka wuxuu digniin u jeediyay muwaadiniintiisa kusugan dalka Uganda, si aysan waxyeelo uga soo gaarin, waxaana looga digay inay tagaan goobaha dalxiiska iyo meelaha ay howlgalada ka socdaan.