Madoobe Nuunow “Jawaari wuu wanaagsan yahay”

0

Madoobe Nuunow Maxamed madaxweynaha maamulka koofur galbeed ee lixda gobol oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay shirka maanta ka furmaya magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan aheyn mid quseeya siyaada maamul u sameynta gobolada koofur galbeed ee lixda iyo seddex gobol, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu cadeeyay in shirkaasi uu u dhaxeeyo waxgaradka iyo beelaha kasoo jeeda Baay iyo Bakool oo uu sheegay in isfaham waa uu dhex yiilay mudooyinkii ugu dambeeyay.

Madoobe Nuunow ayaa ku amaanay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaalida dadaalada uu ka wado magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

“Gudoomiye Jawaari wax wanaagsan ayuu ka wadaa magaalada Baydhabo, shirka maanta furmayana wax xiriir ah lama lahan maamul u sameynta koofur galbeed”ayuu yiri Madoobe Nuunow.