Is Barbardhig Madaxweynihii hore ee DKMG aheyd Sheikh Shariif iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud. Maxay ka mideysnayeen maxayse ku..

0

Labada Madaxweyne ee ugu danbeeyay ee kala ah Sheikh Shariif iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya Dr Hassan Sheikh labaduba waxaa ay ka mideysan yihiin inay ahaayeen markii ay xukunka qabanayeen labo nin oo siyaasadda ku cusub, Khibradda Maamul ku yar tahay, Labada Madaxweyne si lamid ah madaxdii ka horeysay waxaa ay yihiin kuwo aad madaxtinimada u jecel.

Madaxweynihii Hore Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo dhacdooyinka la xasuusto.

  • Sheikh Shariif wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimadii Maxkamadii Siisii, Kadibna wuxuu noqday Gudoomiyihii Maxkamada islaamiga Soomaaliya.
  • Dagaal maxkamadaha ku qaadeen dawladii Cabdullahi Yusuf iyo itoobiyaanka oo Baydhabo ku ilaalinayey waxay keeneen in Maxkamadaha awood ahaan la maquuniyo lagana saaro dhamaan goboladii ay xukamayeen, dagaaladii u dhaxeeyay Dawladii Cabdulahi Yusuf iyo Itoobiyaanka iyo Kooxdii maxkamadaha waxay isu bedeleen dagaal jabhadeyn ah.
  • Sheikh Shariif kooxdii Maxkamadaha oo uu Gudoomiyaha ka ahaa wuu ka dhuuntay iskuna Dhiibay Dawladda Kenya, Kadibna wuxuu tagay Eretria isaga oo sii maray wadamo kale, Sheikh Shariif wuxuu mar labaad madax ka noqday Isbahaysigii la magic baxay dib u xoreynta Soomaaliya  (ARS-ta).
  • Dib u heshiisiin loo sameeyay Dawladii Cabdullahi Yusuf iyo qeyb ka mid ah Kooxdii ARS-ta oo UN-ka garwadeen ka ahaa, laguna qabtay dalka Jabuuti waxay sababtay in Sheikh Shariif loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka Soomaaliya la kordhiyay lana gaarsiiyey 550 xubnood, xubnahaas oo kooxdii ARS-ta keensadeen 275 xildhibaan.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif markii uu xukunka qabsaday waxaa Maamulka dawladda, Gobolka banaadir, ilaha Dhaqaalaha dalka sida Dekeda , Garoonka iyo inta badan waxaa gacanta ku hayey kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho oo inta badan u badnaa Beesha Madaxweyne Shariif oo uu Raisul wasaare Ali Mohamed Gedi kasoo jeeday, Madaxweyne Sheikh Shariif ma sixin cadaalad daradii ay sameeyeen Kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho, in uu usii badiyo maahine.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif xukunkiisii xiligii hore qeyb kamid ah Maxkamadaha islaamiga wuxuu kusoo daray golihii wasiirada, sidoo kale Sheikh Shariif wuxuu lahaa nin aad ugu dhow siyaasiya,n laguna Magacaabo Shariif Hassan ahaana ninkii ka danbeeyay in Sheikh Shariif Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ka shaqeeyay ama qeyb ka qaatay xil ka tuuristii Raisul wasaare aad ugu dhowaa siyaasiyan laguna Magacaabo Mohamed Abdullahi Farmajo, Riditaankii Farmaajo ayaa la sheegaa in Sheikh Shariif ku bedeshay in hal sano Xilka loogu kordhiyo.
  • Sheikh Shariif Farmaajo kadib wuxuu Raisul wasaarihii Labaad u doortay  Cabdiweli Cali Gaas oo xiriirkoodu wanaagsaneyn oo ugu danbeyn ku tartameen Madaxtinimada Soomaaliya.
  • Madaxweyne Shariif Hassan wuxuu sameeyay Ganacsato ku beel ah oo uu dhaqaalo ahaan dhisay, sidoo kale ciidamada qalabka sida ee tababarada loo dirayo wuxuu ka shaqeeyay in beeshiisu ku badato ciidamada Xooga dalka.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ahaa nin ay aad ugu xiran yihiin dhamaan Taliyayaasha ciidamada qalabka sida, Wasaaradaha Muhiimka ah sida arimaha gudaha iyo amniga qaranka.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif inkastoo uu ku magacawnaa Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunkiisu wuxuu ku ekaa  Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulayeyna wuxuu ahaa Canshuurta reer Muqdisho, mana aheyn mid ka shaqeeya in maamulka dhaqaalaha soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda soomaaliya oo lagu mideysan yahay.
  • Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Xukuumadii Farmaajo xukuumadii ka danbaysayba marnaba kama shaqeyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.
  • Madaxweyne Shariif ayaa ahaa mid munaasabadaha doorashadiisa ka soo qeyb galaan inta badan madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna si adag gacanta ugu hayay SNTV iyo Radio Muqdisho iyada oo aysan ka bixi jirin wax uusan raali ka ahayn.
  • Ugu danbeyn Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayaa noqday mid aan kasoo bixin Cadaaladii laga filayey maadaama uu gudoomiye usoo noqday Maxkamadihii Islaamiga oo bilaawgii hore soomaali badani ku qanacday, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto taasoo ku dhacday doorashadii uu isi siiyey oo uu kula tartamay madaxweynaha haatan talada dalka haaya ee Hassan Sheikh

Madaxweynaha DF Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.

  • Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimada Xisbiga PDP oo ay sameysteen Kooxda Damu jadiid.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa xukunka ku helay Kooxda Damujadiid iyo Xisbigooda PDP oo Xiligii Xulashada Baarlamaanka ku heshiiyey in xubnaha xisbiga intiiba suuragal ah ka shaqeeyaan iyaga oo isticmaalaya lacag in qabiiladooda ka soo galaan Baarlamaanka.
  • Hassan Sheikh ayaa Madaxtinimada Dalka ku helay Naceyb soomaalida iyo Dawladii Sheikh Shariif dhexdoodu isu qaadeen iyo 30 meeyo xildhibaan oo dhaqaalo isticmaalay kana soo galay baarlamaanka qabiiladooda, iyo 30-meeyo Xildhibaan oo dhaqaalo ku gateen , qaarna jagooyin u balan qaadeen.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu ka shaqeeyay  xil ka tuuristii Raisul wasaare Saacid , Raisul Wasaare saacid ayaa ahaa nin aad ugu dhow Madaxweyne Hassan Sheikh, Xukuumada Soomaaliya-na waxaa laga maamulayay Madaxtooyada Xiligii RW Saacid. Riditaanka Raisul wasaare Saacid waxaa ka danbeeyay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa Maskaxdii ka danbeysay in Hassan Sheikh noqdo Madaxweyne. Faarax Cabdulqaadir ayaa Hassan Sheikh u jooga Meeshii shariif Hassan u joogay Madaxweynihii Hore Sheikh Shariif sanadihii xukunkiisa ugu horeeyay.
  • Raisul Wasaare Saacid kadib Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu Raisul wasaarihii Labaad u doortay  Raisul Wasaare Cabdiweli  oo uusan aqoon wanaagsan u lahayn, isaga oo ka doortay Mudane Goonjeex oo uu aqoon fiican u lahaa, horeyna ku sime RW usoo noqday, kalsoonina ka kasbaday shacabka Soomaaliyeed.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa sidii Madaxdii isaga ka horeysay-ba waayey awoodii uu ku lahaa Magacaabida Xukuumadda iyo hawl socodsiinta guud ee xukuumada Soomaaliya, sidoo kale Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu waayey Wasiiradii warbixinada geyn jiray Madaxtooyada oo aanba tegi jirin shirarka Golaha wasiirada oo uu shir gudoomin jiray Raisul wasarihii hore ee Saacid.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu doorashadiisa ka hor lahaa company lagu Magacaabo ALKHEYRAAD , company-gaas iyo company-yo badan oo uu dhalay wuxuu  gacanta u geliyey qandaraasyo badan oo dawlado caalamka ah iyo dawladda soomaaliya bixiyeen.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh wuxuu noqday Madaxweyne aan Maamulka Golaha xukuumadda Gacanta ku heyn, sidoo kalana wuxuu noqday Madaxweyne an taageero badan ku lahayn Golaha Baarlamaanka.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh  inkastoo uu ku magacaaban yahay Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunka DF soomaaliya wuxuu ku eg yahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulo waa Canshuurta reer Muqdisho, sidoo kalana Hassan Sheikh , Xukuumadda iyo Baarlamaankaba marnaba kama shaqeyn in maamulka dhaqaalaha, amniga, Garsoorka soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda Federaalka soomaaliya.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh iyo Xukuumadaba marnaba ma sameyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.
  • Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa noqday mid munaasabadaha doorashadiisa aysan kasoo qeyb galin madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna noqday mid ka duwan madaxweynihii ka horeeyay oo gacanta ku hayey dhamaan taliyayaasha Ciidamada iyo warfaafinta dawladda , Madaxweyne Hassan Sheikh waxaana gacantiisa ku jirin warfaafinta Dawladda SNTV iyo Radio Muqdisho.
  • Ugu danbeyn Madaxweyne Hassan Sheikh ayaan kasoo bixin intii laga filayey, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto, kaasoo lumiyey taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com