FAAH-FAAHIN:- Iska hor-imaad dhexmaray ciidamada Muungaab

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan ilaalada gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Hal ruux ayaa ku dhintay dagaalka oo ka dhacay xaafada Al-shareeca ee Sanca, iyadoo ruux kale uu dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay guriga duqa magaalada Muqdisho Muungaab waxaanse la ogeyn ujeedada dhabta ah, inkastoo la sheegayo in fahamwaa uu soo kala dhexgalay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo dagaal uu ka dhacay deegaankaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaliya, gaar ahaan ciidamada ilaalada Muungaab.

Muungaab ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib uu tagay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.