Suuqii Anzaloti oo dib loo howlgaliyey

0

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo ay wehliyaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab, halkaasi oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Masuuliyiintii ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Koormeeray qeybaha uu ka kooban yahay suuqa oo in ka badan sideed bil ah ku socday howlo dib u dayactir ah.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore oo la warbaahinta ayaa sheegay in dib u howlgelinta suuqa Ansalooti uu wax weyn ku soo kordhin doono bulshada ku nool degmada.

Axmed Cismaan Dhoore Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Ganacsatada Degmada in ay ka shaqeeyaan Nadaafada iyo Hormarka Suuqaasi.

Dhamaadka Bisha Febraayo ayay ahayd markii dib u dayactir lagu sameeyay Suuqa Ansalooti waxana iska kaashaday dayactirkiisa Maamulka Gobolka iyo hay’adda UN-Habitat.