Fadeexad: Ciidamada AMISOM Oo Maanta Qof Rayid Ah Ku Dilay Ex-Kontorool Afgooye Ee Magaalada Muqdisho Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Indha Ka Daawanaysa Tacdiyada…

0

Muqdisho, AGGM:Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta qof rayid ah ku dilay agagaarka Ex-Kontorool ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah askar saarneyd kolonyo AMISOM ah oo u socday degmada Afgooye ayaa rasaas ku furay kirishbooy saarnaa gaari shacab ah oo ka horeeyay kolonyada AMISOM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kolonyada AMISOM ay sii wateen socodkooda kadib dilka muwaadinka oo durbadiiba ku geeriyooday goobta.

Ma jirto rasaas kale oo ka dhacday goobta shilku ka dhacay iyada oo aysan jirin hadal ka soo baxay taliska AMISOM oo ku saabsan dilka ciidankoodu u geysteen kirishbooygan.

Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii kolonyo ka tirsan AMISOM qarax lagula eegtay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo ay ku bas beeleen dad shacab ah oo saarnaa labo ka mid ahaa gaadiidka dadwaynaha.

Isku soo wada duuboo ciidamada AMISOM ayaa shacabka Soomaaliyeed waxa ay u geeystaan dilal aan loo meel dayin halka haweenka Soomaaliyeedna ay hay’adda HRW ay ku eedeeysay inay kufsadaan, Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay mar walba si yaroo daciif ah uga hadlaan tacadiyada bareerka ah ee loo geesanayo Muwaadiniinta dalkooda ay martida ku yihiin ciidamada AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com