Video: Hargeisa oo Looga soo Hanjabay Madaxwayne MD Xasan Sheikh (Daawo)

0

Maamulka somaliland ayaa weerar afka ah ku qaaday dawlada soomaaliya, waxayan ku eedeeyeen inay dawlada soomaliya ka hadashay arimo la xidhiidha diiwaan gelin uu doonayo inuu maamulkaasi sameeyo.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa wuxuu sheegay inay tahay Qadiyadooda mid lama taab taan ah, Sidoo kale wuxuu sheegay inay ogyihiin Cadaawada ay u hayso dawlada soomaaliya, taasi oo ku sheegay inaysan u ogolayn in Maamulka la baxay somaliland uu noqdo dal madax banaan.

Wuxuu geesta kale ku hanjabay in dhaawac uu gaadhi doono wada hadal udhexeeyay Dawlada soomaliya iyo maamulka S/land, Kaasi oo markii horaba aan Bulshada Soomaaliyeed ula muuqan wax midho dhalaya.