Safaarada Somaliya ee Turkiga oo ka hadashay waxa ka jira bixinta basaboorka Diblomaasiga

0

Safaarada Somaliya ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa waxay ka hadashay warar si xoogan loogu baahiyay Warbaahinta Somalida, iyadoo lagu sheegay in Safaaradu ay nin Turkiga u dhashay siisay Basaboorka Diblomaatiga ee Somaliya, xilli ninkaasi la sheegay in daroogada uu ka ganacsado.

Xoghayaha 1-aad ee Safaarada Somaliya ee dalka Turkga C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa wuxuu si xoogan u beeniyay bixinta basaboorka diblomatiga ee lagu qabtay ninka la sheegay in dhalashadiisu tahay Turkish.

Xoghayaha, ayaa wuxuu wax la soo dhoodhoobay uu ku tilmaamay dhammaan macluumaadka lagu baahiyay Warbaahinta Somalida, iyadoo uu intaa ku daray in dad wax magarata ay marin habaabinayaan bulshada Somaliyeed, sida uu yiri.

C/qaadir Macalin Nuur, ayaa ka Safaarad ahaan sheegay in arrimaha noocaan oo kala ah, ay yihiin wax aynaan horey u maqal, isla-markaana u arag sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa wax laga weydiiyay sida uu ku soo gaaray warkaan, wuxuuna sheegay inay ku arkayn barraha Internet-yada iyo mareegaha ay bulshadu ku xiriirta.

Ina Macalin Nuur, ayaa ku waramaaya in dhacdadaan ay u arkaan mid ay baahinayaan dadka xumaanta jacel, isla-markaana lagu wareerinaayo maskaxda shacabka Somaliyeed, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu C/qaadir iftiimiyay laba arrimood oo shaki weyn gelinaaya in la qaato Basaboorka Diblomaatiga, wuxuuna ku kala sheegay in marka hore ka shakhsiyan laga been abuurtay, lana soo qaatay sawir uu kula sawiran nin arday ah iyo in March 2014-ka ay Somalidu qaadaneysay ID Card iyo Basaboorka cusub, oo aynaan qaadanayn basaboorka uu geelka ku sawiran yahay.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in ninka lagu soo bandhigay barraha Internetyada, aanu ahayn shakhsi ay garaneyso Dowladda Somaliya amaba ay garanayaan Shaqaalaha Safaarada Somalida ee Turkiga.