TOP NEWS:- Dood iyo is jiiid jiid ka dib, Xasan Sheekh oo u deyriyay Sanbaloolshe

0

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa aqbalay xilka ka qaadistii golaha wasiiradu ku sameeyeen agaasimihii heyadda nabad sugida iyo sirdoonka C/llaahi Sambaloolshe sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay madaxtooyada.


Xasan Shiikh ayaa diidanaa xilka ka qaadistaas maalmahaan isagoo ku andacoonayey inaan loo baahneyn xilka qaadis lagu sameeyo qaar ka mid ah saraakiisha amaanka maadaama buu yiri laga feejigan yahay weeraro aargudasho ah oo Al-shabaab ay damacsan tahay ka dib markii laga dilay hogaamiyahoodii.

Aqbalaada madaxweynaha ayaa timid kadib dedaal ay sameeyeen xubno isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaano maalmahanba kulamo la lahaa madaxweynaha iyagoo ugu dambeyn ku qanciyey inuu saxiixo xilka qaadistaas maadaama ay nidaam dowli ah ku dhacday si looga fogaado xiisado iyo isqabqabsi ka dhex dilaaca mar kale madaxda dowlada.

Sambaloolshe oo xilka agaasimaha nanad sugida hayey wax ka yar labo bilood ayaaney xukuumadu si rasmi ah u sheegin sababaha xilka looga qaaday, inkastoo warar hoose ay sheegayaan inuu jagadaas ku waayey eedeymo ay ka mid yihiin ka dhegeygo adeygid awaamiirta madaxda dowlada qaarkood, xarig aysan jirin cid la o goo uu kula kacay xildhibaano agaasimayaal warbaahineed iyo xarumo idaacadeed iyo qaar kale.