DEG DEG:- Xasan Sheekh oo meel fagaaro ah usoo fariistay Shacab Badan iyo su’aalo kulul oo la weydiinaayo

0

 

Waxa ahadda magaalada Muqdisho si toos ah uga soconaaya dood culus oo uu ka qeyb galaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoona su’aalo adag la weydiinaayo madaxweynaha.

Uljeedka doodaan ayaa ah wax qabadka Xasan Sheekh ee Labadii Sano xilkaan haayay, waxaana madasha ku sugan dad shacab ah, mas’uuliyiin iyo sidoo kale rag horay xilal usoo qabtay.

Goobta waxaa ku sugan Wasiiro, xildhibaano siyaasiin waxaana meesha ka muuqdo rag ay ka mid yihiin C/kariin Guuleed iyo Tuuryare, iyadoona Xasan Sheekh uu dhoola cadeynaayo.

Mid ka mid ah Odayaasha halkaasi ku sugan ayaa runta u sheegay Xasan Sheekh iyo dowladiisa, waxaana uu ku yiri “Ciidankii waa la dayacay, dowladiina koox gooni ah ayaa isku haysa”

Xasan Sheekh ayaa isna sheegay dhalinyarada dallka in wax badan loo qabta hadana diyaar loo yahay in wax loo qabto si ay dalka u anfacaan.

Dooda waa ay socotaa, Xasan Sheekhna su’aalo xoogan ayaa ku wajahan... La soco wixii soo kordha..