DAAWO SAWIRADA:- Maxamuud Sayid iyo Madoobe Nuunoow oo sheegay in Axmed Madoobe la hadlayaa & Baydhaba oo sawirka Jawaari lagu gubay

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu wada hadalo la furaayo Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa wuxuu sheegay in uu raadinaayo xalka lixda gobol ee Koonfur Galbeed ee Somaliya, sidaasi daraadeedna uu wada hadalo la gelaayo Axmed Maxamed Islaam. Haddii Axmed Madoobe uu doonaayo in uu noqdo Hogaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayuu sheegay in uu kaga tanaasuli doono xilka, bal si uun midnimada looga shaqeeyo, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu diiday in uu wada hadalo la furo Maamulka 3-da gobol ee looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo, kaasoo uu ku sheegay mid liddi ku ah rabitaanka dadka deegaanka.

Madoobe Nuunow, ayaa waxa uu eedeymo kulul u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya Amb. Nicholas Kay, ka gadaal markii uu sheegay inay iska indho tirayaan rabitaanka bulshada.

Nuunow wuxuu hadalkaan shalay ka sheegay banaanbax lagu qabtay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna banaanbuxu ku soo aadayaa, xilli Jawaari uu ku sugan yahay Baydhabo. Jawaari, ayaa dadaal badan u galay sidii leeskugu soo dhaween lahaa Maamulada iska soo horjeedo ee Baydhabo looga kala dhawaaqay, inkastoo ay hadana kuu muuqaneyso in labada dhinac ay kala fog yihiin.

baydhabo11 baydhabo11 baydhabo12 baydhabo13