Top News: Falaagada Al-Shabaab Oo Lagu Eedeeyay Inay Dhac U Geysataan Dadka Rayid Ah Ee Ku Nool Deegaanno ka Tirsan Gobolka Galguduud.

0

Ceelbuur, AGGM:Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay dhac ka geysatay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale oo wareysi siiyay Warbaahiinta ayaa ku eedeeyay kooxda inay dhac u geysato dadka rayid ah ee ku nool deegaannada Galhareeri, Jacar, Bargaan, Maso-gawaay iyo Galcad.
“Raashin, shidaal, xoolo iyo lacag ayay kooxda ka dhacdaa dadka ku nool deegaanno dhowr ah oo hoos-taga degmada Ceelbuur,” ayuu yiri Nuur.

Nuur ayaa sheegay in shacabka ku nool deegaannadaasi ay la soo xiriireen maamulkiisa, iyagoo dalbanaya in laga dulqaado dhibaatooyinka ay u geysanayso kooxda.

Wuxuu ku hanjabay inay sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabi doonaan dalabka shacabka dhibaateysan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com