Dhageyso: Xildhibaan Sandheere “Yaan Leeysku Dirin Beelaha Dagan Gobolada Dhexe”.

0

Muqdisho, AGGM:Xildhibaan ka mid ah barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay cadaalad darro uu sheegay in lagu kala fogeynayo beelaha wada dega gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Aadan Sandheere oo ka tirsan mudaneyaasha golaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in qaabka ay wax u wadaan guddiga farsamada ee maamulka gobolada dhexe uu yahay mid kala fogeynaya beelaha la doonayo in maamulka loo dhiso ee daga goboladaasi.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda arintaasi ay leedahay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay cadaalad daro u qeybisay xubnaha guddiga farsamada ee dhismaha maamulka gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli maamullo iyo beelo ka dhisan gobolka Galgaduud ay ku gacan seereen ka qeyb galka shirka lagu mideysanyo Mudug iyo Galgaduud oo ay dowladdu sheegtay in maamul goboleed loo sameynayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com