Dhageyso: Maamulka Lixda Gobol Ee Koonfur Galbeed “Lixda Gobol Makala Go’ayaan, Waan Rabitaanka Shacabkeena”.

0

Baydhabo, AGGM:Iyadoo wali ay jiraan is jiid jiidka ku aadan Maamulada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Fadhigoodu uu yahay ayaa Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed waxaa uu sheegay in ay san marnaba badali doonin Mooqifkooda ah in ay sii ahaadaan Maamulka Lixda Gobol.

C/laahi Aadan Cali Shaleyte oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Lixda Gobol oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay Doonayaan ku adkeeysiga Maamulkooda uu Hogaamiyo Madoobe Nuunoow islamarkaana xitaa hadii laga Fursan waayo uu Maamulkooda Madaxweyne ka noqonayo Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay wali ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Xilidhibaano,kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay sidii Xal looga gaari lahaa Arimaha Magaalada Baydhabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com