Dhageyso: Maamulka Dhoobleey “Haweeney Ayaa Daryeel La’aan Ugu Geeriyootay Isbitaalka Degmada Dhoobleey”.

0

Dhoobley, AGGM:Maamulka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegay in haweeney ay daryeel la’aan dhinaca caafimaadka ah ugu geeriyootay cisbitaalka degmadaasi.

Isbitaalka guud ee Dhoobleey oo ku yaalla degmadaas ayaa lagu soo waramayaa in dawo la’aan ay xilligan ka jirto taasi oo keentay in adeeg caafimaad oo dhameysatiran aysan dadku ka helin Isbitaalkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada hoose Qeex Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in todobaadkan ay haweeney ugu geeriyootay isbitaalkaasi daryeel la’aan xilli ay dawo la’aan ka jirto isbitaalka guud ee degmada Dhoobleey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com