Codsi Iyo Talo Ku Socota Raiisul Wasaaraha Guddiga Farsamo Ee Gobolada Dhexe.

0

Maxaa ka qaldan xukuumada? Gudiga farsamo ee loo magacabay mamulka Gobolada Dhexe ma yahay guddi ay dadka deeganku soo xusheen? Maxaa ka dhalan kara mustaqbalka dhaw hadii uusan raysawasaaruhu ku sameyn dib u eegis iyo wax ka badalid, taladana loo deyn dadka deegaanka si loo qanciyo shacabka.

Duubaka beelaha dega Gobolada Dhexe wax maka ogyihiin howshan socota? Yaa siyaasadaan dabada ka riixaya oo jooga madaxtooyada, arimahana hoosta ka wada? Waa maxay danaha uu wasiirka amnigu ( Farax Abdulqaadir) kaleeyahay siyaasadiisa 2016. Wasiirka Amnigu ma yahay Soomali buuxinkara inuu talada dalka wax ku yeesho? Dabagalse malagu sameeyay taariiqdiisa maadaama habdhaqankiisu u egyahay shaqsi aan u dhalan Soomaliya? Nibaa muxuu yiri, “Hooyadeey iyadoo indhaha la ayay hadana nin dhagaha la guursatay.”

Waxaa isi soo taraaya diidmada qayaxan ee lagagala hor imaanayo gudiga farsamo.

Waxaa hubaal ah in xukuumadu ay garab marty shaqadii loo igmaday oo ahayd in federaalka loo maro waddo sax ah, iyadoo tixgalin lasiinayo dadka degan deegaanada iyagu markaa maamulada yagleelanaya. Arintan ka bilaabatay Mudug iyo Galgaduud ma ahan mid ku cusub saaxada siyasada Soomaliya. Waxaa horay maamulo is diidan looga dhawaaqay meelo badan oo ka mid ah Soomliya. Kuwaasoo ilaa hada muran ka taagan yahay. Waxaa sidoo kale ka dhacay dagalo lagu hoobtay. Wali waa uu taagan yahay is maandhaafkaas oo xal lagama gaarin.

Arintaasi waxa ay qayb ka noqotay qalqalka siyaasadeed iyo ismaandhaafka ka jira Soomaliya. Sidoo kale waxa ay halis baaxad weyn leh galisay amniga dalka, maadama la kala shakisan yahay dadkuna fikir ahaan isaga soo horjeedaan nidaamka mamuladaka ahaan. Intaas kadib, Soomaliya waxa ka jira kooxo nabad diid ah oo iyaguna ka faaideeysta kala qeybsananta mamulada, dawlada iyo shacabka. Hadaba maxaa la gudboon xukuumada Soomaliya hada kadib?

Raysalwasaaraha:

Raysalwasaaraha waxaa looga baahnaa in uu wax ka barto qaladaadkii xukuumadiisu horay u gashay dhinacyada gudiyada farsamo iyo maamulda horay loo sameeyay, taasoo la oran karo waa arinta kali ah ee xukuumadiisa ka dhigtay fadhiidka. Raysalwasaaruhu waxa uu awood u leeyhay inuu dhagaysto shaqacabkiisa,xildhibanda golaha shacabka iyo dhamaan shacbka Soomliyeed isagoo tixgalin siinaya codsigooda. Waliba waxaa loo baahan yhay inuu si taxadar leh u maareeyo oo uusan fudu deeysan, waa hadii uu doonayo inuu dheelo siyaasad hufan oo lagu qanci karo, taasoo albada u fureyso hogaankiisa siyaasadeed ee mustqbalka.

Waxaan leenahay raysalwasaare waxaad haysataa fursad aysan haysan Dam Jadiid maadaama ay sii kordheyso taageerada shacaka ay kuu hayaan iyo diidmada Dam Jadiid, ha dhumin fursadaas dahabiga ah. Ha ka raali noqon wax aadan ogolayn in adiga lagugu sameeyo. Waxan aaminsanahay in aadan ogolaan doonin in lagu sanduleeyo.

Waa muhiim inaad xilkaqaadis ku sameeyso kaadirka Dam Jadiid, si shacabka iyo saxaafada looga dhaafo caburinta iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka.http://www.theguardian.com/world/2014/sep/08/african-union-somalia-rapes-human-rights-watch . Waxaad fursad u heli doontaa in laga taqaluso xagjirka maadaama aad ka gudbi la’dahay caqabada kaadirka kooxda taasoo awoodaada hoos u dhigtay.

Maamulaka Gobolada Dhexe:

Waa in aad la xariirto dhuubaka degen Mudug iyo Galgaduud, oo ay hormuud ka yihiin Ugaaska Dhuusamreebeed , Ugaaska Caabudwaaq, Ugaaska Cadaado, Ugaaska Gaalkacyo, Ugaaska ama duubka Galdogob, Ugaaska Ceelbuur, Ugaaska ama Imaamka Ceeldheer,Iyo kuwa kale ee aan hilmaamay iyagaoo raalina ig ah.

Waa arin meel kadhac ku ah Raysalwasaaraha in qawlaysato uu soo xusho Faarax Cabdulqaadir isagoo ka leh dano gaar ah.

Waxaan ka mid ahay Dumarka Soomaliyeed ee doonaya in ay kusoo biiraan saaxada siyaasada Soomaliya 2016 maadama uu dhamaan waayay qilaafka ragga Soomlaiyeed. Arintu sikastaba ha aheetee maah maah Soomaliyeed ayaa leh, “Dhurwaagii la teg bartay wardhig waaku ceeb.” Waxaan Alle ka rayanayna inuu maamulka Gobolada Dhexe noqdo maamulkii ugu horeeyay ee cadaalad lagu saleeyo.

Shacabka Gobolada Dhexe:

Dadka deegaanku waa dad jecel nabada, waa dad is dhalay oo dhaqan iyo dheef wadaag ah. Waxaan uga digayaa in aanay ku deg degin colaad. Waa in ay fadhiistaan geed hoostiis kuna dhameeysaan danahooda is afgarad. Waxaad xaq u leedihiin in aad codsi u dirsatan Raysalwaasaraha oo isagu u muuqda nin wax ka badalay mowqifkiisii hore.

Dhamaan aqoonhayanada deegaanka waxaan ugu baaqayaa in loo daneeyo shacabka dhibaatooyinku daahsadeen loona turo marasta iyo biri mageeydada. waa waqtigii shacabku heli lahayeen daryeel si ay uga baxan darxumada iyo dhibaatooyinka daashaday.

Guul Goboladaa dhexe
Galgaduud iyo Mudug
Ducaan kugu gardaadshay
Farxad kugu gadaamay
Guule waxaan ka tuugnay
In aad noqoto goob wacan
Barwaaqadu u gaartahay
Oon lagaarin abdikeed
maaxah2010@gmail.com
Maha Hussein
maaxah2010@gmail.com

FG. Qoraalkan Waa Aragtida Qoraha ku saxiixan, Marnaba Kama Turjumayo Aragtida Warbaahinta Allgalgaduud Media, Waxii Ammaan ama Dhaliil ah kala xiriir Qoraha Emailkiisa, maaxah2010@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com