Xasan Sheekh oo Al-shabaab ku eedeeyay, in shacabka ay…

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ee shalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi, oo ku yaal inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.

Madaxweynaha Somaliya waxa uu tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkii ku waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta, ee kolonyada Amisom lagula beegsaday deegaanka Xaawo Cabdi.

“Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Taajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka argagaxisada. Waxaana Eebbe uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynuhu wuxuu Shabaabku ku eedeeyay inay caadeysteen argagax gelinta bulshada Somaliyeed, iyadoo uu dhinaca kalana uu Shabaabku u jeediyay in uu waqtigoodii dhammaaday, isla-markaana ay ciqaab adag la kulmi doonaan.

“Kooxahan argagaxisada ah ayaa caadeystay inay falal argagax leh u geystaan dadka shacabka ah. Waxaan leenahay nabadiidku waqtigiina ayaa dhammaaday, waana la kulmi doontaan Ilaahay idinkiisa ciqaabta xanuunka aad shacabkeenu u geysateen.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa hadalkaan ku sheegay War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiskiisa, waxaana ka sii horeysay cambaareen kale oo uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya u jeediyay Shabaabka.

Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada laba weerar oo ismiidaamin ahaa, oo ka kala dhacay deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Xaawo Cabdi, iyadoo weerarka ka dhacay Ceelasha Biyaha lala beegsaday gawaari galbineysay Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Sabriye (Shaaweeye). Waxaana ka soo gaaray dhaawac fudud.