DEG DEG:- Al-shababa dhexdooda oo hadda ku dagaalamaaya Baraawe

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Al-shabaab Maleeshiyaadkooda uu halkaasi ka qarxay.

Dagaalkaan ayaa ah mid aad u xoogan, waxaana la sheegayaa in Laba Maleeshiyaad oo Al-shabaab ah halkaasi ku dagaalamaayaan, iyadoona ilaa hadda sababta la ogeyn.

Xaaladda waa mid kacsan, waxaana dagaalkaan lagu soo waramaayaa in uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, hase ahaatee tiro ahaan inta ay la egtahay lama haayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.