Daawo: Haweenki Soomaaliyeed Ee Ciidamada AMISOM Ay Muqdisho Ku Kufsadeen Oo La Sheegay In Ay Ku Jirtay Gabar 12 Jir Ah.

0

Muqdisho, AGGM:Haayada udooda Xuquuqda Aadamiga ee Human Rights Watch, ayaa l sheegay in Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM jooga Magaalada Muqdisho ay kufsi u geysteen Haween soomaaliyeed oo deeqo u raadsaday Xarumaha ay ka howlgalaan Ciidamadda AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

Warbixinta , ayaa waxaa lagu cadeeyay in Ciidamada AMISOM ay kufsi awood ah u adeegsadaan Haweenka barakacayaasha ah ee gargaarka ka raadsada Xarumaha AMISOM ee laga bixiyo deeqaha gargaarka ah.

Waxaana magaalada Nairobi lagu soo bandhigay Tirada dadka ay kufsadeen AMIISOM gaar ahaan Ciidamada Uganda iyo Brundi.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com