DEG DEG:- Al-Shabaab oo Qarax Ismiidaamin ah dad badan ku dilay

0

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay inta u dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 12-ruux halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Sida wararka ay sheegayaan Qaraxa ismiidaaminta ah ayaa lala damacsanaa in lala eegto Kolonyo gaadiid AMISOM oo marayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,waxaana wararka ayaa waxay tilmaamayaan in Qaraxa uu haleelay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay ruux isa soo miiidaamiyay ayaa la sheegay inuu qarxay, markii uu ku dhawaaday gaadiidka ay la socdeen AMISOM.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay tan iyo markii Al-Shabaab ay ku hanjabtay inay geysan doonto weeraro ay ugu aar-gudeyso dilkii Hogaamiyihii Al-Shabaab oo duqeyn Mareykanka uu qaaday lagu dilay.

Dowlada ayaa horay digniin ku aadan in alaga feejignaado weeraro Al-shabaab ka yimaadi jeedisay.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarka maanta,iyagoo sheegay inay ku dileen saraakiil cadaan ah.
Laakiin Al-shabaab ma aysan cadeyn tirade rasmiga ah ee weerarkaasi ay ku dileen.