TOP NEWS:- Indha Cadde “Ninka Amiirka Shabaab laga dhigay waa nin dheer oo madoow Aqoon Diini iyo mid maadi intaba malahan”

0

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Dowladii KMG aheyd, ayaa ka hadlay magacaabista hogaanka cusub ee Xarakada Al Shabaab, xilli Al Shabaab ay magacabeen hogaan cusub oo bedelaya Amiirkoodii Axmed Godane oo Mareykanka duqeyn ay ku dileen.

Indha Cadde, ayaa ku waramaayo in Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah Amiirka cusub ee Al Shabaab uu kamid yahay ragii lahaa fekerka aas-aaska Al Shabaab, isaga iyo Ibraahin Xaaji Jaamac Meecaad oo Al Shabaab dhex-dooda looga yaqaanay (Ibraahin Afgaan) oo Baraawe lagu dilay iyo Aadan Xaashi (Ceyroow) oo isna lagu dilay 2008 Gobalka Galgaduud.

Dagaalka Al Shabaab ay kula jiraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wuxuu ku tilmaamay mid uusan waxba kusoo kordhin karin Amiirka cusub ee Al Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubeyda, maadaama sida uu yiri Indha Cadde iminka ay bur-burtay awoodii Xoogaga Mucaaradka ee Shabaab.

Isaga oo tilmaam ka bixinaya nooca uu yahay Hogaanka cusub ee Al Shabaab ayaa General Indha Cadde, wuxuu sheegay in Amiirka cusub ee Ururka Shabaab uu yahay nin dheer oo xoogan, sidoo kalena midabkiisa uu yahay midab Madoow ah, wuxuu intaasi ku daray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad in hogaanka cusub ee Shabaab uusan laheyn aqoon Diini ah iyo mid maadi intaba, balse uu yahay nin dhanka fekerka ay kawada sinaayeen Amiirkii hore ee Al Shabaab Axmed Godane.

“Waa nin dheer oo Madoow waxa ay isku feker yihiin Godane oo xagjir ay isla ahaayeen, laakiin Axmed malahan aqoon maadi ah iyo mid diini ah intaba, waxna kuma soo kordhin karo dagaalada Shabaab”Ayuu yiri Generaal Indha Cadde.

Al Shabaab oo markii ugu horeysay xalay xaqiijiyay in la dilay Hogaamiyahoodii Axmed Godane, ayaa durba ku dhawaaqay inay doorteen hogaan kale oo howsha halkeedii kasii wadaya, waxaana hogaanka cusub ay udoorteen Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo Shabaab ka tirsan.

Waxaan la ogeyn waxa uu ka bedelaayo Hogaankaan cusub ee Shabaab dagaalka ka socda Soomaaliya ee Dowladda iyo Shabaab udhaxeeya, xilli muddooyinkaan awoodii Shabaab ay wiiqantay.