DEG DEG:- Madaxda Idaacadaha Kulmiye iyo Muqdisho oo goor dhow dib xoriyadooda loo siiyay

0

Hay’adda Nabad Suggida, ayaa waxay goor dhow ay dib xoriyadooda u siiyay Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Cadow iyo Agaasimaha Idaacada Kulmiye Cismaan C/laahi Guure.

Nabad Suggida, ayaa waxay Idaacadahaan ku eedeysay inay saakay baahiyeen warar la xiriira Ururka Al Shabaab, xilli toddobaadkii hore looga digay inay tabiyaan macluumaadka ku aadan Al Shabaab.

Cismaan C/laahi Guure oo ka hadlay sii deysmadooda, ayaa sheegay in muddo saacado ah ay maanta xoriyadoodu ka qaaday Hay’adda Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir.

Cismaan C/laahi Guure, Agaasimaha Idaacada Kulmiye waxa uu isku difaacay inaanay iyagu wax shaqo ah ku lahayn eedeymaha kaga yimid Nabad Suggida.

Guure wuxuu sheegay in warka lagu heysto ay saakay baahisay laanta afka Somaliga ee VOA, xilli Idaacadooda ay u sii dhex marisay in laga dhageysto Magaalada Muqdisho.

Nabad Suggida wax war ah kama soo saarin xariga Suxufiyiinta loogu geystay Magaalada Muqdisho, sidoo kale Nabad Suggida waxay xalay xabsiga dhigtay saddex ka mid ah Shaqaalaha Idaacada Simba.

Dowladda waxaa horey ugu xirnaa ilaa afar Suxufi, iyadoo midkood shalay laga qabtay Isgoyska KM4 ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.