Top News:Madaxweynaha Kenya Oo Soo Dhaweeyay Geerida Axmed Godane.

0

Nairobi, AGGM: Madaxweynaha wadanka Kenya Uhhuru Kenyatta oo magaalada Nairobi saxaafadda kula hadlay ayaa guul ku tilmaamay geerida hogaamiyihii Al-Shabab Axmed Cabdi Godane oo Maraykanku sheegtay inay ku dileen duqeyn todobaadkii hore ka dhacday gobolka Sh/hoose.

Madaxweyne Uhuru waxaa uu sheegay in geerida Godane ay ula mid tahay falaar laga siibay oo kale waxaana uu u mahad naqay dawlada Maraykanka.

“Waa war aad noo farxad galinaya geerida hogaamiyihii Al-Shabab oo dhibaato badan ka geystay dalkaan Kenya hadda culeys ayaa naga degay” ayuu yiri Uhhuru Kenyatta.

M/weynaha Kenya waxaa uu sidoo kale sheegay in dawladiisu sii wadayso dagaalka ay Al-Shabab kula jirto iyo taageerida dawlada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com