Top News:Dalka Uganda Oo Looga Dabaal Dagi Doono Geerida Axmed Godane.

0

Kampala, AGGM: Afhayeenka ciidamada Uganda Paddy Ankunda oo taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ku caawiyeen dawlada Maraykanka shirqoolista hogaamiyihii Al-Shabab.

Paddy Ankunda waxaa uu sheegay in ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dilka Axmed Godane ku lahaayeen dhanka sirdoonka iyo hubinta in shaqsiga la bartilmaamaysanayo uu yahay hogaamiyaha Al-Shabab.

Arrin guul u ah wadamada dhaca geeska Africa ayuu ke sheegay dilka Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale afhayeen u hadlay dawlada Uganda oo la yiraahdo Ofwono Opondo ayaa asna sheegay in dawladiisu ay u dabaal degi doonto geerida Godane sababtoo ah buu yiri waxaa uu dalkaan ka geystay dhibaato fara badan.

Dalalka Kenya iyo Uganda waxay uu ka mid yihiin dalalka ay Al-Shabab ka geysteen weerarada intuu uu hogaanka Al-Shabab hayay Axmed Godane.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com