Dhageyso:Cabdiwali Maxamed Cali “Axmed Godane Waxuu Ahaa Shar Wade”

0

Garoowe, AGGM: Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu sheegay inay ku farxeen markii ay soo gaartay warka sheegayey in la dilay Axmed Godane oo ahaa Amiirkii Ururka Al Shabaab.

C/weli Gaas oo maanta saxaafada kula hadlay Garowe ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii dhibaatada ku hayey Soomaalida uu dhintay waxa la rajeynayo dhimashadiisa kadibna ay tahay hormar uu dalka gaaro.

Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay Axmed Godane Shar wade Soomaalida dhibaato badan ugeystay hadda kadibna culeyskii la qabay sida uu yiri laga bixi doono.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com