Warbixin+Sawiro: Bililiqeysiga Hantidii Ummadda Ka Dhaxeeysay Oo Xalaal Ka Noqotay Magaalada Balad Xaawo.

0

Balad Xaawo, AGGM: Waxaa maanta nasoo gaaray, warbixin uu si hoose noogu soo gudbiyay Suxufi madax banaan oo dhawaan booqasho ku tagay degmada Belad Xaawo ee Gobolka Gedo. Warbixinta uu Suxufiga kasoo gudbiyay Balad Xaawo ayaa ah mid Qeylo dhaan ah oo ku socota madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba.

Sida ka muuqata warbixinta, waxaa dhacday in intii badneyd hantidii umadda Soomaaliyeed ka dhaxeysay ee ku yiilay Belad Xaawo laga gatay Shirkado ay leeyihiin dad Rayid ah. Suxufiga madaxa banaan ayaa warbixintiisa qeylo dhaanta ah ku bilaabay sidaan:

“Waxaan booqasho ku so maray Degmada Belad Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, waxaana kusoo arkay wax aan layaabay oo naxdin leh. Waxaan lug ku maray daafaha magaalada Belad Xaawo aniga oo u kuur galaya hantidii umadda ka dhaxeysay ee ku tiilay Belad Xaawo sida: Dhulkii dowladda Soomaaliyeed ee ka dhisnaa magaalada Belad Xaawo, waxaana indhaheyga ku arkay Isbitaakii lagu daaweyn jiray dadka Tiibayda qaba oo la dhistay iyo gurigii loogu tala galay in uu galo Guddoomiyaha Degmada Belad Xaawo oo la dhistay.

Waxaa kale oo si weyn iiga yaabiyay kaddib markii la’ii sheegay in guri markaas uu dhismo ku socday oo uu si sharci daro ah ku bixiyay Guddoomiyaha hadda sida Ku Meel Gaarka ah u haya maamulka Belad Xaawo, ayada oo waliba cadadka lacagta laaluushka ah ee uu qaatay la’ii sheegay, dhismahaasoo ah Xaruntii Caafimaadka ee ay dowladda Soomaaliya ku laheyd Belad Xaawo. Xaruntaas hadda waxay si sharci daro ah uga baxday gacanta dowladda Soomaaliya, waxayna noqotay hanti uu shaqsi gaar ah leeyahay.

Waxaan kaloo la yaabay intaan Belad Xaawo joogay, kaddib markaan arkay Golohii Martida ama meeshii dadka ka dhaxaysay oo ay dad ku ganacsanayaan, iyo xarun ay Dawladdu lahayd oo Shirkadda Hormuud laga gaday.

Waa la yaabe, yaa gadi kara oo awood u leh dhulkii dawladda ee ka dhaxeeyay umadda Soomaaliyeed? Aniga oo ah Suxufi madax banaan, kana damqanaya boobka sharci darada ah ee lagu hayo hantidii umadda Soomaaliyeed ka dhaxeysay ee sida sharcidarada ah loo bililiqeystay ama harka cad loo boobayo, waxaan go’aansaday in aan warbixintaan usoo bandhigo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan mas’uuliyiinta Qaranka Soomaaliyeed si talaabada ku haboon ay uga qaadaan si deg-deg ahna baaritaan ugu sameeyaan hantida Qaran ee aan kor ku xusay ee la bililiqeystay, dibna ugu soo celiyaan hantidaas shacabka ee la dhacay.

gedo1gedo2

Masawirka bidix, waa Guriga Guddomiyaha Degmada Belad Xaawo oo dhinac kasta laga dagay. Waa guriga qadiimka ah ee geedka ku toosan waxaana kaaga muuqda in meel kasta laga xiray oo afarta koona laga dhistay, masawirka midigna waxaa kaaga muuqda dhisme cusub oo la dhisayo waa Xafiiskii Guddiga Baarista Belad Xaawo, waxaana dhisanayo dad shacab ah, ayada oo amarkaan ogolaashaha ahna uu bixiyay sida la’ii sheegay maamulka cusub ee degmada Balad Xaawo. Sawirkaan waxaan qaaday September 5, 2014.

gedo

gedo1

gedo2

Warbixintan Waxaa Soo Diray Suxufi madax banaan oo Ku sugan Magaalada Balad Xaawo nagana codsaday in aanan magaciisa la Shaacin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com