TOP NEWS:- Maxaa kala socotaa madaafiic xoog badan oo xaay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaaada Muqdisho

0

Waxaa Habeenimadii xalay qeybo ka tirsan Magaalada Muqdisho laga maqlaayay gurxanka Hoobiyayaal lagu garaacayay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Duqeynta Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceysay dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo agagaarka Xarunta UNDP, halka tiro kale oo madaafiic ahna la soo sheegaayo in ay u gudubtay Garoonka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madfiicda lagu garaacay dhanka dhanka Isgoyska Korontada ee Degmada Wadajir ay waxyeelo kasoo gaartay tiro ilaa shan qof, waxaana ku dhintay gabar da’yar.

Sidoo kale, Madaafiicda ku soo dhacday inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo UNDP, ayaan faah faahin badan laga hayn khasaaraha ka dhashay, balse waxay dadku kuu sheegayaan in ay maqlayeen dhawaaqa gaadiidka gurmadka deg-degga, oo halkaasi sii galaaya.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in Hoobiyayaashasi ay jawaab ka bixinayeen Ciidamada AMISOM ee jooga agagaarka Garoonka kuwaasi oo tuur-tuuraayay Hoobiyayaal jawaab u ahaa kan lagu garaacayay.

Waxan weli la Ogaan cida ka dambeysay madaafiicda loo riday dhinaca Garoonka Aadan Cadde, oo uu ku dhex yaal Xarunta Xalane, oo Ciidanka Amisom ay degan yihiin