Ma Dhaba in amniga muqdisho ay ku xirnayd Hubka dhigista mise la dhihi karaa isbadal ayaa Dhacay ?..

0

Magaalada Muqdisho waxay soo martay Sanado badan oo mugdi ahayd taasoo
ay ciriiri ahayd in lagu noolaado si xur ah iyadoo ay ka jirtay
dagaalo sokeeyo sido kale marba qaab isku badlaysay iyadoo marki dambe
ay isku biyo shubatay qaab diineed Qaldan.

Tan iyo markii la magaacabay Gen.muungaab waxa magaalada muqdisho
noqotay meel lagu laayo dadka shacabka ah iyo waliba masuuliyiinta
Qaranka kuwa soo ugu dambeysay Dilalki logeysanayay Xildhibaanada
soomaliyeed.

Maxa kalifay in Dilalka Bataan Marki la magacaabay Gen.Muungaab.

Hadaan Falanqeyn ku sameeyo waxay ila tahay qodobadan hoos ku Qoran
inay keentay Amni xumida sii baahday tan iyo markii la Baladay
Gudoomiye Tarsan.

1. waxaa Isbalad lagu sameeyay Dhamaan Gudoomiyayaashii Degmooyinka
kuwaasoo waqti dheer haayay Xilalkaas waliba iyagoo aan lagala Tashan
Xilkaqaadistooda Taasoo keentay in Uu aminiga faraha Kabaxo.

2. Waxaa Xilalki Gudoomiyayaasha Degmooyinka Loomagacaabay Dhalinyaro
Aad iyo yar yar kuwaa oo aan waxba ka aqoon u lahayn Amaanka iyo
siyaasada, waliba iyago lagu soo xulay Qaab Urur Diimeed ah.

3. gudoomiyaha Gobalka ahna Duqa Muqdisho waxuu Sheegay in aan waxba
laga Wey diinkarin Hadaan la Hooskeenin Laamaha Amaanka Sida Booliska
Nabad sugida G/Banadir, Taa oo kaliftay inuu iska indha tiro Amni
Xumada Ka jirtay Muqdisho.

4. Wasiirki Amniga oo Fashilmay Waliba ISagoo marki dambe is
casilay,laakin aan xilkaas in muda ah lamagacaabin Sababa Jiro owgood.

5. Howlagadii Muqdisho laga sameyn jiray si amaanka loo xaqiijiyo oo
Gaabis ku imaaday Taasoo kaliftay in Alshabab ay Si fudud sameyaan
waxay doonaan iyagoo aan cidna deyneen shacab iyo siyaasi.

Hadaba Intaas oo isku biiray iyo waliba kuwa kale ayaa dhihi karnaa
waxay keeneen Amni xumadii keentay in maalin Cad xildhibaanada lagu
Dilo Jidki ugu weynaa ay Dowladu ku Xooganeyd.

Maxa is badalay Markii la Magacaabay Wasiirka aminiga?.

waxaa isbadal weyn uu kuyimi Hanaankii Ay ku howl gali jirtay
Maleeshiyada Alshabab taasoo uu dhabar jab weyn ku noqotay sidii ay
ugu howlgali lahaayeen magalada muqdisho, Maxaa yeelay waxa Soonoqotay
Howlgaladii Joogtada ahaa iyo Maxkamadeyntii lagu xukumi jiray Dhagar
qabayaasha caadeystay Falalka amni xumida ah iyo leynta Maatida
Soomaaliyeed.

Hadaba waxa suurtagaliyay ayaan dhihi karnaa isbadalkan cad ee ku yimi
Hanaanka nabadgalyo magaalda Muqdisho.

1.in hubka dhigis lagu sameeyay Hogaamiye Kooxeed yadii muqdisho ,
waliba ka iibsan jiray hubka kooxda alshabaab si ay danahooda ugu
fuliyaan.

2. waxaa la sooqabtay hub fara badan oo muqdisho amnigeeda lagu hagar
daamin jiray wallow ay ciidamadu ka hortageen.

3.waxay cabsi xoogan iyo barakac la kulmay kooxihii dilka geysan jiray muqdisho.

4.waxaa dilal toogasho ah iyo xabsi lagu fuliyay kooxo Dhagar qabayaal
ahaa oo Shacabka muqdisho Ka nasan wayeen.

5.waxa xifaaltan Dheer uu kala dhaxeeyay Wasiirka aminiga Iyo
Gudoomiyaha oo ka ka liftay in uu wasiirka sidii laga rabay si ka
badan uu howlkarnimo ulayimaado isagoo doonaya inuu diido dalabkii
ahaa in la hoosgeeyo amniga muqdishi muungaab.

Hadaba Gunaanadka iyo gaba gabadii waxan shacabka reer muqdisho kula
talin lahaa inay Iska dulqaadaan Cabsida iyo baqdinta dagtay meel aan
lago soolaaban karin waxaana laga rabaa inay so sheegaan kooxaha
Dhagar qabayaasha ayna u gudbiyaan laamaha amaanka warbixinada amniga
khuseeya si ay uga hortagaan falalka guracan ay maleegayaan dhagar
qabayaasha.

mida kale waxaan shacabka muqdisho ugu baaqaya inay ka tashtaan
aayahooda iyagoo iska dulqaadaya cadowga ka reebay dhaman
magaalooyinkii kale ee soomaliya, maxa yelay muqudisho waa caasimadi
soomaaliyeed Hadana marki magaceeda lagu sooqaada Durbadiba waxaa
maskaxdaada ku soo dhaceysa Qarax, Dil iyo dagaal.

W/Q:cabdifitaax Maxamed cabdi(Timacade)
Kampla-Uganda
timacade2002@gmail.com