Lt.Col. Benson Olanya oo la amray in xabsiga lagu sii hayo muddo labo isbuuc oo dheeraad ah

0

Maxkamadda Milliteriga ee Uganda ayaa amar ku bixisay in Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda (UPDF) ee qeybta ka ahHawlgalka AMISOM, Lt.Col. Benson Olanya in xabsi lagu sii hayo muddo labo isbuuc oo dheeraad ah.

Taliyahaasi hore ayaa ku eedeysan inuu Hawlgalka AMISOM ka xaday 720-litir oo shidaal ah muddadii uu ku sugnaa Somalia, isagoo ka iibiyey Ganacsato Somali ah.

Taliyahaasi waxaa kaloo lagu soo eedeeyey inuu 300-litir oo shidaal ah siiyey Haweeney Somali ah, iyada oo shidaalkaasi loogu talagalay inay adeegsadaan Ciiddankii UPDF ee ku sugnaa magaalladda Jowhar .

Eedeymaha loo haysto Taliyahaasi hore ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono bishan Septeber 16-da.

Dhinaca kale, Garyaqaanka Taliyahaasi hore oo lagu magacaabo Kabtan Ronald Iduli ayaa sheegay inuu u baahan yahay waqti dheeri ah si uu u diyaariyo qoddobadda uu ku difaaci lahaa