Dhageyso: Nabadoon Maxamed Xasan Xaad “Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ii Hanjabay”.

0

Muqdisho, AGGM: Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqan iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa waxa uu sheegay in la iigu hanjabay dil hadii uu ka hadlo arimaha ka socda Muqdisho.

Nabadoon Xaad ayaa sheegay in Af qabasho ay ka socoto magaalada Muqdisho isagoo tilmaamay tacadiyada socda in lagu amray inaysan ka hadli karin hadii kalena la dilayo.

Waxa uu Nabadoon Maxamed Xasan Xaad sheegay inay ka aamusi waayeen dhibta ka jirta Xamar oo dadka la iska xir xirayo,Idaacado wariyeyaasheedii la xiray iyo qaar qalabkoodii la qaatay iyo dhibaatooyin Muqdisho kusoo kordhay.

Gudoomiye Xaad ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh,Taliyeyaal ciidan iyo Xubno wasiiro ah ay ugu hanjabeen inuu joojiyo ka hadalka Arimaha Muqdisho ka socda hadii uu diidana la dilayo sida uu hadalka u dhigay isagana uu garwaaqsaday inuu afka qabsado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com